Taliska Ciidamada Xoogga u hanjabay kooxo burcad ah

maalik_som September 5, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)  Taliska Ciidamada Xoogga dalka ayaa shaaca ka qaaday inay wax ka qabanayaan dhibaatooyinka Kooxaha ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda ay ka wadaan inta u dhaxeya Muqdisho iyo Afgooye.

Taliyaha Gaaska Labaad ee Ciidamada Xoogga Jeneral Cabdullaahi Cismaan Cagey oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay inay wax ka qabanayaan dhibaatooyinka ay Kooxaha ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda ka wadaan inta u dhaxeysa deegaanka Kaxda iyo Tareedishe ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa waxa uu tilmaamay in Ciidamada ay u dirayaan deegaannadaasi, si wax looga qabto dhibaatooyinka dadka shacabka ah wax loogu gaysto, wuxuuna xusay inaysan ogolaan doonin in la dhibaateeyo dadka shacabka ah sida uu hadalka u dhigay.

Mararka qaar ayaa duleedyada Magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye waxaa shacabka isticmaala iyo kuwa ku dhaqan halkaasi ay ka cawdaan Kooxo ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda oo dhibaato u gaysta dad rayidka ah.

Comments are closed.

Facebook

Twitter