Taliska Booliska X/Weyne oo ka warbixiyay howl gal dad lagu soo qabtay oo ka dhacay Degmadaasi

maalik_som January 2, 2013 Comments Off

Muqdisho(Sh.M.Network)—Taliska Booliska Degmada X/Weyne ee Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin  ka bixiyay Howl gal maalmihii dambe ay ka sameynayeen Gudaha Degmadaasi

Taliyaha Ciidanka Booliska Degmada X/Weyne ee dowladda Soomaaliya  Gaashaanle dhexe Max’ed daahir  ayaa faah faahin ka bixiyay howl gal 24kii saac aan ka soo Gudubnay ay kasameeyeen degmadaasi Xamar Weyne

Taliyaha ayaa Carabka ku dhuftay in illaa 7 qof lagu soo qabtay Howlgalkaasi  oo isugu Jira kooxo uu taliyuhu ku sheegay Nabad Diid iyo kooxa daroogiistayaal ah waxaana dhamaan loo dhaadhiciyay Saldhiga degmadaasi

Max’ed Daahir ayaa xusay in ay sii wadi doonaan Howl Galladaani lagu sugayo ammaanka Degmada waxaana uu sheegay in marna aaney ka seexan doonin xaqijinta ammaanka degmadaasi X/Weyne ee Gobolka Banaadir

Saldhigga Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa buux dhaafiyay dad loo heesto dambiyo kala duwan oo ciidamadu ay soo qabteen kuwaasi oo la sheego in ay ka mid yiohiin kooxo falal dhibaato ah ka geesta Degmadaasi

Comments are closed.

Facebook

Twitter