Taliska Booliska Soomaaliya oo soo bandhigay rag ay ku eedeeyeen Al shabab

maalik_eng October 23, 2012 Comments Off

MUQDISHO (Sh.M.Network)—Afhayeen Ciidamada Booliska Soomaaliyeed C/llaahi Xasan Bariise oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa waxa uu Saxaafadda usoo bandhigay Rag uu ku sheegay inay dilal ka geesteen Muqdisho iyo Gobolada Dalka.

Dadka lasoo bandhigay oo gaarayay 4 Qof oo mid ay haweeney tahay ayaa C/llaahi Xasan Bariise, waxa uu sheegay in dadkaasi ay lagu soo qabtay Howlgallo ay Ciidmada dowlada ka sameeyeen dhowaan Muqdisho iyo Gobolada dalka qaarkood.

Baritaano dheer kadib waxaa uu Afhayeenku sheegay in Ciidamada dowlada u suura gashay inay soo qabtaan dadkan oo dilal ka geestay muqdisho iyo meelo kale,waxaana intaasi ku daray inay jiraan kuwa kale oo ay ku raadgoojaan.

Afhayeen Ciidamada Booliska Soomaaliyeed C/llaahi Xasan Bariise ayaa intaasi ku daray in sidoo kale ay horay ugu gudbiyeen Maxkamada Ciidanka Qalabka sida si loo maxkamadeeyo.

Maalmihii danbe waxaa jiray howlgallo ay samaynayaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ay kawadeen Degmooyinka kala duwan ee Gobolka Banaadir kuwaasi oo Taliska Booliska uu sheegay inay ku xaqiijiyanaan Amaanka Muqdisho oo mararka qaar ka dhaca Qaraxyo iyo Dilal qorshaysan.

Comments are closed.

Facebook

Twitter