Taliska Bay oo ka warbixiyay dagaalo ay la galeen Al Shabaab

maalik_som September 15, 2012 Comments Off

Baydhabo: (Sh. M. Network) Taliyaha Ciidamada Booliska ee gobolka Bay Kornel Mahad C/raxmaan oo la hadlay Idaacadda ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay dagaal ciidamo ka tirsan dowladda iyo Al Shabaab ku dhexmaray deegaanka Goof-gaduud ee gobolkaasi. 

Kornelka ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay dagaalkii shalay ku jibiyeen xoogagii Al Shabaab ee weerarka kusoo qaaday deegaanka Goof-gaduud oo ay fariisimo Militari ku lahaayeen Ciidamada Dowladda, isagoo intaasi ku daray intii uu socday dagaalka ay gacanta kusoo dhigeen 5-ruux oo ka tirsanaa Al Shabaab islamarkaana ay ku jabeen dagaaladii shalay. 

Taliyaha Ciidamada Booliska ee gobolka Bay Kornel Mahad C/raxmaan ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in lagu soo wargaliyay Guryo ay deganaayeen Kooxo ka tirsan Al Shabaab, laguna abaabulayay qaraxyo iyo falal ka dhan ah ammaanka, hase ahaatee Ciidamada Dowladda howlgallo ay sameeyeen ay suuro gashay inay gacanta kusoo dhigaan waxyaabihii qarxay iyo waliba dadkii la tuhunsanaa. 

Inta badan gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca dagaalo xooggan oo gaysta qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo Ciidamada dowladda iyo kuwa Al Shabaab ay guulo ka sheegtaan dagaaladaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter