Taliska AMISOM ee Hiiraan oo duulaan ku ah Al Shabaab

maalik_som October 11, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network)— Taliyaha Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan Jeneral Cismaan Dubad  oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in gobolka Hiiraan uu ka bilowday qorshayaal cusub oo ay iska kaashanayaan Ciidamada AMISOM, kuwa Dowladda Soomaaliya iyo Ethiopia kaasi oo ku qotoma sidii Al Shabaab looga nadiifin lahaa deegaannada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin gobolkaasi. 

Waxa uu sheegay in qorshahaasi uu bilowday islamarkaana la dar dar gallinayo, isagoo xusay in goordhow Ciidamada iskaashanaya ay tagi doonaan degmooyin ay Al Shabaab hadda kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan, wuxuuna ugu baaqay shacabka gobolka Hiiraan in arrintaasi ay ka qeyb qaataan sida uu hadalka udhigay. 

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxa uu intaasi ku daray in si loo xaqiijiyo ammaanka Magaalada Baladweyne laga saaray Ciidamadii faraha badnaa ee ku sugnaa Magaalada Baladweyne, wuxuuna sheegay in lagu reebay Ciidamo si gaar ah u tababaran kuwaasi oo uu tibaaxay inay ku fillan yihiin xaqiijinta ammaanka Baladweyne. 

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa marar badan ku cel celiyay in Al Shabaab ay ka saarayaan gobolada dalka Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Shabaabku lagala wareegay dhow deegaanno oo ay kaga sugnaayen gobolada adalka Soomaaliya.

Comments are closed.

Facebook

Twitter