Muqdisho: (Sh. M. Network) Inkastoo Musharixiin badan ay tanaasuleen, haddana waxaa xilka Musharaxnimo u tartamay labada Mas’uul ee loo tanaasulay ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Prof. Sheekh Xasan Max’ud, waxaana bilaabatay codeynta Xildhibaanada ay u codeynayaan Musharixiintaasi.
Markii codeynta ay dhamaatay ayaa Guddiga doorashada Madaxtinimo ee dalka waxa ay tiriyeen Codadka ay kala heleen Musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya.
Guddoonka sare ee barlamanka ayaa ku dhawaaqay in Madaxweynaha dalka uu yahay Prof. Xasan Sheekh Max’ud oo helay codad gaaraya 190-Cod halka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo la tartamayay Xasan uu helay Codad gaaraya 79-ruux sidaasina looga itaal roonaaday Doorashada Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya.
Goobta ay Doorashada ka dhacayso oo ah Xarunta Iskool buluusiya ee Magaalada Muqdisho ayaa jawigeeda mar qura is badal.
Guddoomiyaha barlamanka Prof. Jawaari ayaa u yeeray Madaxweynihii hore ee Dowladda KMG ah Sheekh Shariif Axmed, isagoo sheegay in farxad weyn ay tahay in Magaalada Muqdisho ay caawa ay ka dhacdo Doorasho xor ah oo xalaal ah sida uu sheegay Sheekh Shariif Sheekh.
Sheekh Shariif ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Max’ud, isagoo shaaca ka qaaday in natiijada Doorashada uu u hoggaansan yahay islamarkaana xaq ay tahay, uuna ku shaqeyn doono.
Intaasi kaddib waxaa loo yeeray Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Max’ud kaasi oo lagu dhaariyay qodobka 96-aad sida uu qarayo Dastuurka, waxaana Dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka.
Ugu dambeyn Madaxweynaha oo halkaasi qudbad ka jeediyay ayaa u mahceliyay Umadda Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan iyo waliba Mas’uuliyiintii doortay.
Kala soco Shabelle.net wixii kusoo kordhaa kala soco Shabelle.net haddii Alle Idmo























Comments are closed.