New York-(Sh.M.Network)—Bayaan Kasoo baxay Dalladda Saxafiyiinta adduunka ayaa looga warbixiyay dhibaatada iyo caqabadaha heysta saxafiyiinta Caalamka iyadoo bayaanka lagu shaaciyay in illaa 100 saxafi ay ku dhinteen intii lagu guda jiray sanadkaan daafaha dunida iyadoo 16 ka mid ahna lagu dilay gudaha dalka Soomaaliya.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in sanadba sanadka ka dambeeyo ay sii kordhayaan dhibaatada gaareysa saxafiyiinta adduunka iyadoo sanadkii aan ka soo gudubnay ee 2011ka ladilay illaa 106 saxafi halka 2010kiina ay geeriyoodeen illaa 94 Saxafi
Dalalka Pakistan,Ciraaq,iyo Mexico aaya la tilmaamayaa in sanadkaan gudihiisa lagu dilay illaa 32 Saxafi oo ka howlgalayay
Bayaanka ayaa ugu dambeyn lagu shaaciyay in dalal badan oo kuwa caalamka ah aaney muuqan laxisaabtan iyo wax ka qabasho dhibaatooyinkaas gaaraya Saxafiyiinta ku’aadan kuwaasi oo ay ku jirto dowladda Soomaaliya























Comments are closed.