Soomaaliya oo kulan Caalami ah uga qayb gashay Turkiga

maalik_som December 7, 2012 Comments Off

Muqdisho  (Sh.M.Network)—Kadib shirjara’id uu muqdisho ku qabtay wasiirka warfaafinta xukuumadda federalka cabdulahi ciilmooge ayaa waxa uu faahfaahin kabixiyay shir ka dhacay magaaladda Istanbul ee dalka turkiga kaasoo soomaaliya ay kaqayb gashay

Ciilmooge ayaa tilmaamay in shirka uu ahaa kii shanaad oo ay yeesheen jaamaccadda carabta iyo dowladda turkiga islamarkaana soomaaliya lagu casuumay Wasiirka warfaafinta cabdulahi ciilmooge ayaa intaa kudaray in shirkaasi lagu amaanay isbadalka somaliya kadhacaya

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa  uu xusay in shirka laga sheegay in somaliya  ay kabaxday kmg islamarkana ay kusoo laabatay sideedii hore taasina ay tusaale Cad utahay Horumarka ay kutallaabsatay Soomaaliya

Shirkaan oo ay ka qayb galeen dowlado ka tirsan Jaamacadda Carabta iyo dowladda Turkiga Soomaaliyana ay qayb ka ahayd ayaa waxaa xubnihii ka qayb galay ay ballan qaadeen in ay Soomaaliya taageero buuxda oo dhinac walba ah ufidiyaan Maadaama xilligaan ay cagaheeda isku taagtay

Comments are closed.

Facebook

Twitter