Soomaaliya Iyo Ingiriiska oo isku afgartay in Madaxweynaha Soomaaliya uu gaaro Briten

maalik_som January 4, 2013 Comments Off

Muqdisho(Sh.M.Network)—Wilam Heg iyo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan Wasiirada arrimaha dibadda Ingiriiska iyo Soomaaliya ayaa  kulan ay shalay ku yeesheen Magaalada London ee Cariga waddanka Ingiriiska waxa ay isku raaceen in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud uu booqasho ku tago dalkaasi Ingiriiska.

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan wasiirka arrimaha dibadda ahna Ra’isal  Wasaare ku xigeen ayaa waxa ay sheegtay in dowladda Briten ay aqbalneen in Madaxweyne Xasan Shekh uu halkaasi socdaal ku tago.

Dowladda Ingiriiska ayaa bisha May lagu wadaa in markale uu marti geliyo shir wene Caalami ah oo looga hadlayo aayahay umadda Soomaaliyeed kaas oo ay ka soo qayb gali doonaan markale Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo Kuwa Maamulka Soomaaliland.

Mr Heg ayaa ina uusan soo gaba gaboobin kulanka uu la qaatay dhigiisa Soomaaliya waxa uu halkaasi ka ballan qaaday in dowladdiisa ay taageero dhinac kasta ufidindoonto dowladda Federaalka Soomaaliya.

Comments are closed.

Facebook

Twitter