Gaalkacyo(Sh.M.Network)—Qaxootiga Soomaaliyeed ee Ku nool xeryaha Qaxootiga ee Ifo ayaa ka cabanaya dhibaatooyin amni xumi oo kula soo darsay Xeryahaasi Ifo.
Xilli Maalmihii dambe ay dad badan isaga baxayeen Xeryahaasi kuwaasi oo dib ugu soo laabanaya dalka ayaa waxaa hadana qoysaska Soomaaliyeed ee weli ku nooli Xeryaha Ifo dhibaato dhanka amniga ay ka heesataa Ciidamada ammaanka waddankaasi Kenya.
Dadkaan oo qaarkood la hadlay idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ee ku sugan Xeryahaasi ay ugeestaan Jirdillo iyo dhibaatooyin kale oo ay sheeegeen in aaney jirin cid wax ka qabaneysa oo ay kala hadlaan.
Dhibaato amni xumo oo kaliya maaha caqabada heysata qaxootigani Soomaalida ah ee waxaa jira Xaalado nolol xumi oo ka jira Xeryahaasi iyo dhibaatooyin Caafimaad darro oo dadkaasi ku heesata Xeryaha ay ku Jiraan.
Qaxooti aad ufara badan aya waxa ay iyagu ku noolyihiin Xeryaha Qaxootiga dalka Kenya kuwaasi oo ay ka mid tahay Xerada Ifo iyadoo dadkaasi ay la kulmaan falal isugu Jira dhibaatooyin ammaankooda liddi ku ah xaalado nolol xumo iyo duruufo kale oo aaney Jirin Cid wax ka qabata
Muxuyidiin Xasan Max’ed Xusni























Comments are closed.