Somaliya oo ku biirtay heshiiska Caalamiga ah ee ka hortagga Miinooyinka

maalik_som October 6, 2012 Comments Off

New York: (Sh.M.Network) —Qaramada Midoobay ayaa waxa ay xaqiijisay in Soomaaliya ay si toos ah ugu mid noqoatay heshiiska Caalamiga ah ee ka hortagga qatarta Miinooyinka, kaddib markii ay si toos ah ugu biirtay Dowladaha heshiiskaasi qeybta ka ah oo haatan ay ku noqoneyso dowladda 160-aad ee qallinka ku duugtay Heshiiskaasi. 

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Soomaaliya si booskeeda ay ku leedahay heshiiskaasi uu u meel maro lasiin doono Qalab loogu talagalay ka hortagga Miinooyinka, gaar ahaan kuwa dhulka lagu aaso, maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay meelaha ugu badan ee ka dhaca qaraxyada Miinooyinka.

Dowladaha ku bahoobay ka hortagga qatarada Miinooyinka ayaa heshiiskii lagu aas aasay waxa uu dhacay sanaddii 1997-dii kaasi oo ka dhacay Magaalada Oslo ee dalka Norway, iyadoo kullankii xigay ee 1999-kii ay gaareen Xubnaha heshiiskaasi illaa 155-dowladood, waxaana xilligaasi wixii ka dambeeyay soo kordhayay baahida dowlado dhowr ah ay u qabaan inay qeyb ka noqdaan heshiiskaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter