Hargeysa: (Sh.M.Network) Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar u yihiin wada hadal ay la galaan Dowladda cusub ee Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Maamulka Somaliland Max’ed Cabdullaahi Cumar oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay wada hadal ay la gasho Dowladda Soomaaliya.
Max’ed Cabdullaahi Cumar ayaa waxa uu sheegay in isha ay ku hayeen qudbaddii uu Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Max’ud uu ka jeediyay Xafladdi Caleemo saarka aheyd oo uu kaga hadlay arrimaha Somaliland, islamarkaana sidaasi daraadeed ay diyaar u yihiin wada hadal ay la galaan Dowladda Soomaaliya.
Hadalkaani ayaa waxaa uu imaanayaa xilli Dowladdii Kumeel gaarka aheyd oo uu hoggaaminayay Sheekh Shariif iyo Somaliland uu u socday wada hadal ku aaddana in la dhayo dhibaatooyinka la kala tirsanayo iyo in la mideeyo shacabka Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan, maadaama ay yihiin dad walaalo ah.























Comments are closed.