Somaliland: Dadka reer Koofurta haka baxaan Laascaanood

maalik_som August 26, 2012 Comments Off

Laascaanood: (Sh. M. Network) –  Guddoomiyaha Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool Xaaji Ina Jiini-yare ayaa Wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa waxa uu ku sheegay in muddo 20-maalmood gudahooda, dadka kasoo jeeda Koofurta Soomaaliya, loo baahan yahay inay isaga baxaan Magaalada Laascaanood. 

Mid ka mid ah dadka kasoo jeeda Koofurta oo lasoo xiriiray Idaacadda Shabelle islamarkaana ka gaabsaday magaciisa sababo dhinaca ammaanka ayaa waxa uu sheegay in haddii dadka kasoo jeeda Koofurta Soomaaliya, mudada loo qabtay ay isaga bixi waayaan Magaalada Laascaanood, guddoomiyaha uu ku hanjabay in uu u adeegsan doono Ciidamada Militariga ee Maamulka Somaliland sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale shaqsigaani ayaa shaaca ka qaaday in dadka Reer Koofurta ah ee ku sugan Magaalada Laascaanbood ay wataan Caruur farabadan islamarkaana ay yihiin qoysas aad u farabadan oo aan awoodin in xilligaani ay dib ugu laabtaan gobolada Koofureed ee dalka Soomaaliya.

Isagoo hadlkiisa wata ayaa waxa uu sheegay in Maamulka Somaliland u aqoonsadeen dad kasoo jeeda gobolada Koofureed inay yihiin kuwa  Al-qaaciddo ah oo gacan saar la leh Al Shabaab, islamarkaana mararka ay dhacaan falal ammaanka lasoo xir xiro dhalinyarada kasoo jeedda Koofurta kuwaasi oo xilliga  lasoo daynaayo laga qaado lacago u dhaxeeya $500 illaa $600 oo dollar-ka Maraykanka. 

Maamulka Somaliland oo ah Maamul sheegta in uu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale ayaa waxa deegaannada uu ka taliyo ku nool dad aad u farabadan oo kasoo jeeda gobolada Koofurta oo xilligii ay dagaaladu socdeen barakacay, iyadoo aan la ogeyn sida ay xaaladdu ku noqon doonto dadkaasi oo loo qabtay muddoo kooban.

Comments are closed.

Facebook

Twitter