Nairobi: (Sh. M. Network) War qoraal ah oo kasoo baxay Dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in Dowladda Kenya ay dib usoo celinayso qaar ka mid ah Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Xerada Qaxootiga ee Dha-dhaab kuwaasi oo la geynayo gobolada Nabdoon ee ku yaalla Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in arrintaani ay ka dambeysay ammaan darri soo wadajahday Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalkaasi oo Dowladda Kenya ay tuhusan tahay inay wadaan falal ka dhan ah ammaanka dalkaasi.
Madaxweynaha dowladda Kenya Mwai Kibaki ayaa sheegay in si looga hortago ammaan xumi soo wajahda dalka Kenya iyo qaraxyada iyo bambaanooyinka ay gayasnayaan Al Shabaab, Dowladda Kenya ay go’aan satay in qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalka gaar ahaan Dha-dhaab dib loogu celiyo gobolada Nabdoon ee Soomaaliya.
Bilihii u dambeeyay ayaa waxaa soo baxayay cabashooyin la xiriira tacadiyo iyo dhibaatooyin kala oo loo gaysanayo Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Xerooyinka Ku yaalla dalka Kenya kuwaasi oo kala kulmayeen Ciidamada dalkaasi.























Comments are closed.