Somali laga soo tarxiilayo dalka Yemen

maalik_som August 29, 2012 Comments Off

Cadan: (Sh. M. Network) War saxafadeed laga soo saaray Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Yemen ayaa lagu sheegay in dowladda Yemen ay dalkeeda kasoo musaafurin doonto Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugan gudaha dalkaasi.

Muwadiniintaani ayaa la sheegay inay garayaan illa iyo 209-muwaadin oo ku kala nool gobolada uu ka kooban yahay Dalka Yemen.

Dowladda Yeman ayaa tibaaxday in dadka laga masaafurinaayo aysan ahayn oo kaliya Soomaaliya, hase ahaatee ay isugu jiraan dad ka kala imaaday dhamaanba dalalka ku yaalla qaradaha Caalamka kuwaasi oo garaaya 1944-ruux oo ku kala nool gobolada uu ka kooban yahay dalka Yemen.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Yeman ayaa xusay in masaafurinta ajanibtaani ku sugan dalka Yeman ay ka dambaysay kaddib markii khal khal  ay galiyeen ammaanka islamarkaana ay ku xad gudbeen Qawaniinta iyo shuruucda uu leeyahay dalka Yemen.

Comments are closed.

Facebook

Twitter