Muqdisho: (Sh. M. Network) Siminaarkaani oo soo bilowday 31-ka bisha August, looguna talagalay in sare loogu qaado xirfadda qaar ka mid ah Saxafiyiinta ka howlgala Magaalada Muqdisho, ayna iska kaashadeen Hay’adda National Endowment for Democracy (NED) iyo Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa maanta waxaa lagu soo gaba gabeeyay Xarunta Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.
Qaar ka mid ah Saxafiyiinta ka faa ideystay Siminaarka oo lagu baranayay Dowlad wanaagga, Dimuqraadiyadda iyo Xeerarka Xuquuqul Insaanka ayaa waxa ay sheegeen inay si wayn kaga faa ideysteen intii uu soconayay Siminaarka, waxaana ay mahad ballaaran u jeediyeen Hay’ada NED iyo Shabakadda Warbaahinta Shabelle oo bixisay fursaddaasi qaaliga ah.
Guddoomiyaha Guud ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle Mudane Cabdi Maalik Yuusuf Max’ud oo soo xeriyay Siminaarka ayaa waxa uu sheegay in u jeedka Siminaarka uu ahaa tayaynta aqoon Saxafiyiinta ka howlgasha Magaalada Muqdisho, isagoo xusay in Siminaarada nuucaani oo kale ah ay fursad usiin doonaan Saxafiyiinta kale ee ku sugan Muqdisho, maadaama xilli is badal ah lagu jiro.
Siminaarkaani oo ahaa mid ay iska kaashadeen Hay’adda National Endowment for Democracy (NED) iyo Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa waxa uu ahaa mid ay si wayn kaga faa ideysteen Saxafiyiintii Nasiibka u yeellatay inay ka qeyb qaataan kaasi oo maanta kusoo gaba gaboobay jawi wanaagasan.























Comments are closed.