Muqdisho: (Sh. M. Network) Qaybtii labaad ee Siminaar ay iska kaashanayaan Hay’ad lagu magacaabo National Endowment for Democracy oo loo soo gaabiyo (NED) iyo Shabakadda Warbaahinta Shabelle, sarana loogu qaadayay aqoonta saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala Muqdisho ayaa maanta lagu soo gaba gabeeyay Xarunta Shabelle
Muddo seddex maalin ah ayuu socday Siminaarka, waxaana Macalimiinta Casharada ka bixinaysay oo ay ahaayeen kuwo aqoon durugsan u leh Casharada ay siinaayeen Saxafiyiinta iyagoo barayay sida la isku waafajiyo dowlad wanaagga, Xuquuqul Insaanka, Dimuqaraadiyadda iyo warbaahinta
Qaar ka mid ah Saxafiyiintii ka faa ideysatay Siminaarka mudada uu socday ayaa waxa ay sheegeen in waxbadan ay ka faaideysteen, iyagoo u mahad naqay Shabakadda Warbaahinta Shabelle iyo Hay’adda (NED) oo si wadajir ah usuura galiyay qabsoomidda Siminaarkaani.
“Siminaarka waxa uu ahaa mid lagu kordhinayay aqoonta Saxafiyiinta ka howlgasha Muqdisho, waana hubaal in Wariyeyaashii nasiibka u yeeshay Siminaarka ay wax badan ka faa ideysteen” sidaasi waxa yiri C/fiaax Arizoona oo Xubin ka ah Guddiga isku daba ridka Siminaarkaani.
Siminaarkan ayaa waxa uu qayb ka yahay Siminaaro lagu kobcinayo aqoonta Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala Muqdisho, iyadoo ay xusid mudan tahay in Maamulka Shabakadda Warbaahinta shabelle uu balan qaaday in uu muddo sanad ah ay socon doonaan Siminaaradaani.























Comments are closed.