Sidee u ciideen Barakacayaasha Muqdisho?

maalik_som August 19, 2012 Comments Off

Muqdisho : (Sh. M. Network)  Iyadoo maanta ay ku beegan tahay Maalinta Koowaad ee Ciiddul Fidriga loogu dabaal dagayo guud ahaan Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya ayaa qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ah ee ku nool Magaalada Muqdisho waxa ay sheegeen in maanta iyana dhankooda ay kaga dabaal dagayaan Munaasabadda Maalinta Ciidda ah. 

Qaar ka mid ah dadkaani oo ay maanta Makarafoonka Idaacadda Shabelle kula dhex qaadday Kaamamka ay Muqdisho kaga nool yihiin ayaa waxa ay sheegeen in maanta oo ah Maalin ku weyn Umadda Islaamka ay aad ugu faraxsan yihiin Munaasabadda Ciidda, iyagoo shaaca ka qaaday in Ciiddaani ay aad kaga duwan tahay Ciidihii horey usoo maray. 

Inkastoo Barakacayaasha qaarkood ay  sheegeen inay  Ciideen ayaa haddana waxaa jira qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ah oo aan Ciideyn, hase ahaatee Dareemaya Munaasabadda Ciiddul Fidriga, waxaana Haweenay ka mid ah dadka barakacayaaha ah ay Shabelle u sheegtay in maanta aysan Ciidan, maadaama aysan helin gar-gaar looga farxiyo Munaasabadda Ciidda,  iyadoo ugu baaqday Hay’adaha Samafalka iyo Dowladda inay caawiyaan dadkaasi. 

Marka laga tago Maanta oo ah Maalin ku weyn Shucuubta Soomaaliyeed, ayaa haddana waxaa xusid mudan in markii Hay’adaha gar-gaarka ay caawinayaan Barakacayaasha ku dhaqan Muqdisho aysan si sinnaan ah wax u ehellin inta badan dadka, islamarkaana ay jiraan barakacayaal aan waxba ka hellan samafalkaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter