Shirkadda HORMUUD oo deeq Matooro ah ku wareejisay Isbitaalka Keysaney

maalik_som August 26, 2012 Comments Off

Muqdisho- (Sh. M. Network) –     Shirkadda Isgaarsiinta ee HORMUUD TELECOM ayaa maanta deeq Matooro ah ku wareejisay Isbitaalka Keysaneey ee Magaalada Muqdisho. 

Matoor dabdhaliye ah oo nuuciisu yahay Doos 125 KV ayaa maanta Maamulka sare ee Shirkadda Isgaarsiinta HORMUUD TELECOM waxa uu guddoonsiiyay Maamulka Isbitaalka Keysaneey ee Magaalada Muqdisho. 

Munaasabad kooban oo lagu qabtay Xarunta Isbitaalka ayaa waxaa ka hadlay Maamulaha Istbitaalka iyo Mid kamid ah howlwadeennada Shirkadda Isgaarsiinta ee HORMUUD TELECOM. 

Cali Sheekh Yaasiin Fadhaa oo ka mid ah Howlwadeennada Shirkadda HORMUUD TELECOM oo goobta ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in matoorkaan ay ku wareejiyeen  Isbitaalka Keysaneey ay ka dambeysay ka gadaal markii ay arkeen baahida Isbitaalka uu u qabo in uun helo dab dhaliye. 

Madaxa Maamulka Isbitaalka Keysaneey Cali Yuusuf Max’uud (Bile) oo isna goobta ka hadlay ayaa mahadcelin kaddib waxa uu sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin deeqda maanta Maamulka Shirkadda HORMUUD uu gaarsiiyay Isbitaalka Keysneey, isagoo sheegay in matoorka u wax badan ka tari doono habsami us ocodka howlaha Isbitalka uu u hayo bulshada Soomaaliyeed.

Shirkadda Isgaarsinta Casriga ah ee HORMUUD TELCOM ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxa ay ku howlanaayeen qeybinta deeqo loogu tala galay Isbitaallada waaweyn ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Comments are closed.

Facebook

Twitter