Shirkada caalamiga ee SKA SOMALIA (AIR & LOGISTICS) oo si wax ku ool ah u maamusha garoonka caalamiga Muqdisho ee ADEN-ADDE.

maalik_som November 10, 2012 Comments Off

Garoonka caalamiga ee magaaladda Muqdishu ayaan helin wax dacatir ah tan iyo markii talada laga tuuray dowladii dhexe ee Siyaad bare sanadkii 1991-kii  iyo dagaaladii ba’naa ee daba socday. Guud ahaan howlihii duulimaadkii ee garoonka ayaa hoos u dhacay dhismaha gegida oo waqti dheer aan la dayactirina waxay horseeday in garoonak uu noqdo mid si ba’an u bur bura dhismaha ahaan iyo adeeg ahaan intaba waxayna taasi keentay in garoonka uu noqdo mid guud ahaanba aan la isticmaalin.

Waxaa guud ahaan meesha ka baxay duulimaadyadii iyo xiriirkii caalamiga ee garoonka. Duulimaadyo aad u xadidan oo ka imaanayay bariga Afrika ayaa bilowday in ay garoonka ka soo degaan hase yeeshee diyaarado badan ayaa ka caga jiiday in ay degaan ama ay dib uga howl galaan garoonka Muqdishu sababa la xiriira qalalaasaha ka jiray, dowlad la’aanta iyo maamul la’aanta ka jirtay garoonka.

Hase yeeshee xaalada ayaa si weyn oo rajo xambaarsan isu bedeshay ka dib markii shirkada SKA-GROUP ay ku soo biirtay garoonka. 28-kii bishii Juun ee sanadkii 2010, Mr. Mike Douglas, oo ah madaxa shirkada SKA ayaa la saxiixday heshiis dowladii ku meel gaarka aheyd heshiiskaasi oo ahaa in shirkada SKA ay maamusho garoonka Aadan Cadde muddo toban sano ah la wareegida maamulka ee garoonka ee SKA waxaa si rasmi ah ugu dhawaaqay bishii Maajo ee sanadkii 2011-ka wasiirka gaadiidka ee xilligaasi iyada oo shirkada SKA oo noqotay mid ka diiwaangashan Soomaaliya ay s rasmi ah u bilowday howlaheeda garoonka bishii Luulyo ee sanadkii 2011-ka.

SKA Group

Shirkada SKA International Group waa shirkada caalami ah oo bixisa adeega duulimaadyada iyo fududeyntooda. Shirkadan waxay ka howl galeysay dalka Ciraaq tan iyo sannadkii 2003-da waxayna howlaheeda ku fidisay dalal gaaraya sided oo ku kala yaalla bariga dheexe iyo Afrika oo ay dalalakaasina ka mid tahay Soomaaliya. Holwaha kala duwan ee ay awood u leedahay in shirkada SKA qabato waxaa ka mid ah adeegyada kala duwan ee duulimaadyada, howlaha garoomada, kaalamada adeegayada nolosha, maamulada hanaanka shidaal qeybinta ee diyaaradaha, dhisida xeryaha iyo howlaha ammaanka ee garoomada.

Shirkada SKA waxay si sax ah ugu faani kartaa in ay leedahay qibrad ay ku kulansatay maareynta howlao muhiim ah oo ay ugu caawiso macaamiisheeda in ay ka gaaraan guulo meelo ayaad u adag tahay in laga shaqeeyo waxay ku mudatay shirkada howlahaasi hal ku dhiga ah  “Doing Difficult Jobs in Difficult Places” oo micnaheedu tahay ‘’ka howlgelida meelo dhib badan’’ .  Hal ku dhigan ma ahan mid ganacsi ku saleysan ee waa mid shirkadda ku mudatay howlaheeda taariikhiga ee la caddeeyay.

SKA-Group waxay door muuqda ka qaadatay howlaha garoonka Muqdisho iyada oo ka mid noqotay shirkadihii ugu horreeyay ee heer caalami ah oo maal-gashi ku sammeeya Soomaaliya waqtigii ugu darnaa ee xasilooni daradda iyada oo xilligaasi meeshii ugu sarreeysay uu marayay dagaalkii u dhaxeeyay ciidamadda dowlada iyo xoogagii Al Shabab.

Tani waxay muujineysaa sida ay ugu go’antahay SKA horumarinta Soomaaliya iyo in ay dib u soo celiso adeegyadii heer caalamiga ahaa ee Soomaaliya si Soomaaliya u noqoto dal mar kale isku filan.

SKA-Group waxay ku maal geliyeen lacag ka badan $6 million oo Dollar qalabka garoomada iyo adeegyada kale ee garoomada gegida Aadan Cadde sis are loogu qaado adeega garoonka.

Lacagta ku baxday adeegyada garoonka ayaa waxaa lagu shaqaaleysiiyay 200 oo ah shaqaale Soomaali iyada oo la tababaray shaqaalahaasi lana qalabeeyay si ay u qabtaan howlaha heerka caalamiga ee garoomada caalamka.

Tan iyo markii ay howl-gashay SKA- Somalia, garoonka Muqdisho waxuu ku talowsaday horumar aad u weyn waxaa dib loo dayac tiray dhismihii garoonka, waxaa dib loo soo celiyay adeegii korontada ee garoonka, waxaa dib u habeyn iyo dayactir lagu sammeeyay qeybaha bixida iyo soo degida ee garoonka, adeegyada maamulka boorsooyinka, waxaana garoonka lagu rakibay aaladaha ammaanka ee lagu baaro rakaabka dhoofaya waxay sidoo kale shirkada SKA ay fududeysay howlo maalmeedka garoonka iyada oo shirkada si weyn u hagaajisay ammaanka garoonka waxayna adeega aalada internet-ka u sahashay hay’ada duulimaadka iyo saadaasha hawada Soomaaliya ee marka la soo gaabiyo la yiraahdo (SCAMA), waaxda socdaalka, diyaaradaha rakaabka iyo howlaha ciidamadda booliska Soomaaliyeed ee garoonka.

Howlahan dib u hagaajinta ee garoonka ee ay garab socdaan tababaro, sare u qaadista adeegyada garoonka iyo hirgelinta howlo sare loogu qaadayo tayada garoonka Muqdisho ayaa horseeday in garoonka uu soo jiito dhowr shirkado duulimaad oo heer caalami ah kuwaasi oo furay khadad duulimaad oo caalami in ay ku soo xirmaan Muqdisho. Shirkada Turkish airlines ayaa bilowday in ay ka duusho garoonka Muqdisho waxaana soo raacay diyaarado kale. Duulimaadyda garoonka oo sanad ka hor ahaa saddex iyo afar duulimaad maalintii ayaa hadda waxay gaarayaan 18 duulimaad maalintii.

SKA Somalia waxay xoojisay xiriirka ay la leedahay dowlada cusub ee hadda la doortay waxay haddana ay wadaa qiimeyn ay ku sammeyneyso adeegyada garoomada kale ee Soomaaliya waxayna sidoo kale maalgelin ay ku wadaa howl fududeyn si ay ugu caawiso Soomaaliya in ay dib ugu istaagto cagaheeda.

Shirkada SKA waxaa ka go’an taageerida dowladda cusub ee Soomaaliya iyo in ay mustaqbalka maal geliso Soomaliya si ay ugu faa’ideyso ummada Soomaaliyeed.

Dadka ku nool Muqdisho ayaa ku ammaanaya shirkadda SKA sida ay ugu go’antahay in ay taageerto ummada Soomaaliyeed.

 

Comments are closed.

Facebook

Twitter