New York: (Sh.M.Network) Ergayga Koowaad ee Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay Cumar Jaamac oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Qaramada Midoobay ay qabanyeso shir gaar ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.
Cumar Jaamac ayaa waxa uu sheegay in Wafuud ka socota dalka Soomaaliya ay ka qeyb galayaan shirkaasi, gaar ahaan Siihaya Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya C/wali Max’ed Cali Gaas, isagoo sheegay in shirka oo lagu wado in uu furmo birri looga hadli doono arrimo badan oo ku saabsan Soomaaliya gaar ahaan Dowladda cusub ee ka hanaqaaday Soomaaliya.
Shirka Golaha ayaa lagu wadaa inay qudbado ka jeediyaan Wafuud ka kala socota Caaalamka, iyadoo inta badan ka hadli doona Xaaladda Soomaaliya iyo isbadallada cusub.
Inta badan shirarka ka dhaca Caalamka oo ay ka qeyb galayaan Madaxda Soomaalida ayaa waxaa diiradda lagu saaraa ka hadalka dhibaatooyinka Soomaaliya, iyadoo shirka birri ee Golaha ammaanka la fillayo in looga hadlo xaaladaha Soomaaliya iyo Isbadallada kasoo cusboonaaday.























Comments are closed.