Shir looga hadlayo Tacadiyada Haweenka iyo Saxaafadda oo ka dhacay Rome

maalik_som February 21, 2013 Comments Off

Roma (Sh.M. Network)— Shir looga hadlayay Tacadiyada Haweenka iyo Saxaafadda loo geysto ayaa ka dhacay Magaalada Roma ee Caasimada dalka Talyaniga.

Shukri Saciid oo ah saxafiyad ka howlgasha dalka Taliyaaniga gaar ahaan Wargeyska La Republic oo ka qeybgashay kulankaasi ayaa sheegtay in kulankaasi siweyn loogu lafa guray arrimo badan oo quseeya Tacadiyada Haweenka iyo saxafiyiinta.

Shukri Saciid oo kulankaasi qudbad ka jeedisay ayaa tilmaamtay in ay ka hadashay Xariga Wariye Koronto iyo Haweeneyda uu wareystay ee min halka sano ee xabsiga ah lagu riday, waxana ay muujisay in la isku raacay in xariga Wariyaha iyo Haweeneydaasi uu yahay Mid sharci daro ah.

Waxa ay xustay in ay ka codsatay Madaxdii ka soo qeybgashay kulankaasi oo uu soo qaban qaabiyay safiirka Ingiriiska u fadhiyay Talyaaniga in wax laga qabto xadgudubyada logeysanayo haweenka Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa ku dhaqan, kuwaasi oo kufsi joogta ah la kulma.

Shukri Saciid ayaa tilmaamtay in la isku raacay in Madaxda iyo dowladdaha ka jira dalalka ay ka dhacayaa kufsiga iyo xadgudubyada kale lala hadlo si wax looga qabto dhibaata hada taagan.

Dhanka kale safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga Nuur Cade ayaa la sheegay in uu wareejiyay Mas’uuliyadii dhismaha safaarada Soomaaliya ee dalkaasi ku taalla waxana uu sicad u sheegay in isaga uusan maamulin, mas’uulna ka aheyn wixii hada kadanbeeya dhismahaasi.

Sh.M.Network 

Comments are closed.

Facebook

Twitter