Shil Gaari oo Khasaara Geestay oo ka dhacay Tuulo ka tirsan Sh/hoose

maalik_som February 19, 2013 Comments Off

Marka (Sh.M.Network)  Inta la ogyahay illaa 7 qof ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen Kadib shilgaari oo ka dhacay tuulo lagu Magacaabo cadaan laxeey oo ka tirsan Gobolka Sh/hoose.

Gaari Nuuca TM ka loo yaqaanno ayaa lagu soo waramayaa in halkaasi uu ku Rogmaday abaaro xalay saqdii dhexe kaas oo khasaaro ba’an gaarsiiya dadka saarraa gaarigaasi.

Goob Jooge lahadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in dadka dhaawaca uu ka soo gaaray shilkaasi oo gaaraya illaa 8 qof intooda badan xaaladooda ay tahay mid aad u halis ah.

Si kastaba Majiro wax faah faahin shilkaasi ku aadan oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Sh/Hoose ee dowladda Federaalka Soomaaliya

Comments are closed.

Facebook

Twitter