Ceseleey ( Sh.M.NetworkMark)Shilkaan Gari oo ka dhacay Duleedka Bari ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu geestay Khasaaro isugu Jira dhimasho iyo dhaawac waxaana uu ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Cesalay.
Goob Jooge ayaa u sheeegay Idaacadda Shabelle in inta la ‘ogyahay ay ku dhinteen 2 qof in kabadan 10 qofna ay ku dhaawacmeen iyadoo dadka uu dhaawaca ka soo gaaray lageeyay Isbitaalka Keysaneey ee Magaalada Muqdisho
Dadka Dhaawacmay ayaa la sheegayaa in Xaaladdooda ay halis tahay ayna la tacaalayaan dhaqaatiirka haatan ku howlan daryeelka dadkaasi.
Shilkaan Gaari ayaa yimid kadib markii uu Rogmaday Gaari ay saaraayeen oo Nuuca BGga ah iyadoona Gurmad deg deg ah ay ka heleen dadkaasi dadka Deegaanka sida ay inoo xaqiijiyeen Goob Joogayaal halkaasi Ku sugnaa.
Gaariga ayaa la sheegay in uu ka soo baxay Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe uuna Ku soo Jeeday Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho























Comments are closed.