Muqdisho: (Sh. M. Network) Shilkaani gaari ee sababay dhimashada iyo dhaawaca ayaa maanta waxa uu ka dhacay agagaarka Dugsiga Finti-Uno October ee wadada Madiina Al-Munnawara degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.
Shilka gaari ayaa yimid kaddib markii Gaari nuuca raaxada ah oo soo fariin goostay uu jiiray tiro Caruur ah oo ku bad ku cayaaraysay agagaarka Dugsiga Finti-Uno October ee degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, iyadoo halkaasi ay ku geeriyoodeen illaa 3-caruur ah, labo kalena ay ku dhaawacmeen.
Taliyaha booliska qeybta nabadgalyada waddooyinka Magaalada Muqdisho Sareeye Guuto Cali Xirsi Barre Cali Gaab oo gaaray goobta ay mashaqadu ka dhacday ayaa waxa uu sheegay inay gacanta ku dhigeen darawalkii ka xeynayay gaariga shilka galay islamarkaana ay qaadeen Caruurtii ku dhimatay shilka iyo kuwii kale ee dhaawacmay sida uu hadalka u dhigay.
Mid ka mid ah Waalidiinta Caruurta maanta geeriyootay oo lagu magacabo Sahro Cabdi Max’ed oo wajigeedu laga dheehan karay murugo ayaa ka warbixisay qaabkii ay wax u dhaceen.
Inta badan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxa ka dhaca shilal baabuur oo gaysta qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo inta badan shilalka dhaca loo aneeyo darawallada oo ah kuwa aan laheyn qibrad buuxda.



























Comments are closed.