Nairobi ( Sh.M..Network ) – Warsaxaafadeed Ururka Midowga Afrika uu soo saaray ayaa waxa uu ku sheegay in dowladda Shiinaha ay bixin doonto 80-Milyan oo lacagta Yuan-ka dalkaasi ah oo u dhiganta 12.8-Milayan oo doolarka Maraykanka ah taasi oo lagu talagalay in lagu daboolay baahida dhanka saadka ah ee heysta Ciidmada AMISOM ee Soomaaliya jooga.
Dhaqaalahan Maaliyadeed ee Shiinuhu uu siinayo AMISOM ayaa waxa dhigaya sida daboolka laga qaaday heshiis dhaxmaray Gudiga Nabadgalyada iyo Amaanka Midowga Afrika iyo Dowladda Shiinaha.
Madaxweynaha talada ka sii dagaya ee Shiinaha Hu Jintao ayaa balan qaaday in Shiinuhu uu taageerayo howlaha Nabad ilaalineed ee Midowga Afrika uu ka wado dalal ay Soomaaliya ka midtahay.
Dhaqaalaha uu bixin doono Shiinuhu ayaa waxa ay ku bixidoonaan dhinacyo ay ka midyihiin tababarada iyo saadka ay u baahanyihiin Ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.























Comments are closed.