Sh/hoose oo laga mamnuucay gawaairada xilliyada Heenkii ah

maalik_som August 22, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)   Maamulka gobolka Sh/hoose ee Dowladda ayaa soo saaray amaro ku aaddan in aan xilliyada habeenkii ah gaadiidka aan ka howlgali karin deegaannada gobolka Sh/hoose.

Kaddib markii maanta kullan looga hadlayay ammaanka gobolka Sh/hoose oo ay ku sugan yihiin intiisa badan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku yeesheen Maamulka Dowladda ee gobolkaasi gaar ahaan Saraakiisha ammaanka, guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo Xubnaha ee Maamulka gobolka ayaa waxaa lagu fallan qeeyay sida looga hortagi karo falal ka dhan ah ammaanka oo marar badan kusoo laab laabtay gobolkaasi kaasi oo ay Saraakiisha Dowladda ku eedeeyeen Al Shabaab.

Kullanka ayaa markii uu soo idlaaday kaddib waxaa Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho la hadlay Guddoomiyaha Maamulka gobolka Sh/hoose ee dowladda C/qaadir Max’ed Nuur Siiddii kaasi oo ka warbixiyay go’aanno ay kasoo saareen kullanka oo ay ka mid aheyd in gaadiidka isticmaala gobolkaasi aanay shaqeyn karin xiliyada habeenkii ah.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in wixii ka dambeeya 6-da Maqribnimo ee fiidkii aan jirin kari Gaadiid lagu arki karo iyagoo isticmaala gobolkaasi, isagoo sheegay in taasi ay ugu gon leeyihiin xaqiijinta ammaanka dadka shacbaka ah.

Magaalada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa mararka qaar wax aka dhaca dilal qorsheysan iyo weerar lagu qaado Xarumo Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin gobolkaasi, iyadoo Saraakiisha Dowladda ay ballan qaadeen inay wax ka qabanayaan arrimahaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter