Sheekh Shariif oo beeniyay in uu ka dambeeyay qaraxyadii Ismiidaaminta

maalik_som September 18, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network) —  Kaddib hadal ka soo baxay wasiirka Arrimaha dibadda  ee dowladda Kenya Sam Ongeri oo uu ku eedeeyay in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu ka dambeeyay qaraxii lala beegsaday Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ee ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa maanta shir jaraa’id Magaalada Muqdisho waxaa ku qatay Madaxweynihii Kumeel gaarka ahaa ee Shariif Shiikh Axmed kaasi oo iska fogeeyay eedeeynta loo soo jeediyay. 

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in arritaani ay tahay gaf iyo meel ka dhac loo geysanayo isaga, waxaana uu tilmaamay in uu san jirin shaki iyo tuhun in uu ka dambeeyay qaraxaasi lala bartilmaameed saday hotel uu ka daganaa Magaalada Muqdisho Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya 12-bishan. 

Sheekh Shariif ayaa dhacdo laga xumaado ku tilmaamay qaraxaasi, waxaana uu xusay in goobta uu u tagay waqtigaasi in uu ka soo ka xeeyo Madaxweynaha, islamarkaana ay sheegashada Al Shabaab ee qaraxaasi ay meesha ka saarayso shakiga ku aaddan in Sheekh Shariif uu ka dambeeyo qaraxaasi. 

Dhanka kale Shariif Sheekh Axmed ayaa dowladda Kenya ku eedeeyay in xilligii ay socotay doorashada Madaxtinimo ee dalka ka dhaceysay ay wadeen dhaq dhaaq ka soo horjeeda isaga, waxaana uu  sheegay in dowlado badan uu kala hadlay in dowladda Kenya aanay dhax dhaxaad ka noqon Karin arrimaha Soomaaliya, kaddibna uu la soo xiriiray Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Sam Ongeri, kaasi oo uu tilmaamay in ay ka wada hadleen in dowladdiisu ay dhax dhaxad ka noqoto arrimaha Soomaaliya islamarkaana aysan jirin meel uu garab ku weydiistay dowladda Kenya. 

Shalay ayay aheyd markii war ka soo baxay wasiirka Arrimaha dibadda ee  dowladda Kenya uu ku eedeeyay in Madaxweynihii Kumeel gaarka ahaa ee Shariif Skeekh Axmed uu ka dambeeyay Qaxrii ka dhacay Hotel uu magaalada Muqdisho ka daganaa Madaxweynaha dalka Soomaaliya iyadoo waqtigaasi uu kullan la qaadanayay Wafdi uu hogaaminayay Wasiirkaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter