Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo isugu soo haray tartanka

maalik_som September 10, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)   Waxaa Doorashada Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya isugu soo haray Madaxweynihii hore ee dowladda KMG Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana loo gudbayaa Wareegga Seddexaad.

Guddoomiyaha barlamanka Prof. Jawaari ayaa sheegay in Wareegga Seddexaad loo gudbay, waxaana isugu soo haray Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Max’ud, waxaana tanaasulay C/wali Gaa oo helay 30 iyo C/qaadir Cosoble oo helay 2- cod

Shariif Sheekh Axmed   oo helaay     64 iyo Xasan Sheekh maxamud  oo helay  60 ayaa isugu soo haray Doorashada Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya, waxaana la ogeyn cidda ku guuleysan doonta xilkaasi, iyadoo jawiga madasha uu shirka ka socdo mar qura is badalay.

TOOS U DHAGEYSO

Comments are closed.

Facebook

Twitter