Sheekh Shariif: Hala saxo khaladaadka ka jira Xildhibaanada

maalik_som August 23, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)  Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlayay kullan uu la qaatay Odayaasha dhaqanka ee dhawaanahaan ku howlanaa soo xulista Xildhibaanada barlamanka cusub ee Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in khaladaad iyo wax isdaba marin uu ka jiro qaabka loo soo xulay Xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya. 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo saxo qaladaadkaasi, sida uu hadalka u dhigay. 

Mudane Sheekh Shariif, Madaxweynaha Dowladda ayaa sheegay inay jiraan cabashooyin laga muujinayo guddiga farsamada, isagoo sheegay in guddiga farsamada soo xulista Xildhibaanada barlamanka uusan xaq u laheyn in uu go’aan ka gaaro shaqsi Soomaali ah oo uu ku tilmaamay in uu yahay dambiile, kaasi oo uu sheegay inay xaq u leedahay Maxkamadaha. 

Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in muddo 20-sano ah Soomaaliya ay ku jirtay dhibaato islamarkaana aan la aqbali karin in iyadoo la fullinayo u jeedooyin siyaasadeed Soomaaliya dib loogu celiyo dhibaatadii mudada ka jirtay.

Waa nasiib darro ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya in aqoonyahanno loo soo xulay inay samata bixiyaan dadka shacabka ah ay ka shaqeeyaan waxyaabo dalka dhibaateynaya. 

Muddooyinkii dambe ayaa waxa jirtay cabsaho ku aaddaneyd in la musuq maasuqay kuraasta Xildhibaanada cusub ee barlamanka Soomaaliya, iyadoo ay jireen dhaliilo ay isu jeedinayeen qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka iyo guddiga farsamada ee soo xulista Xildhibaanada cusub ee Soomaaliya.

Comments are closed.

Facebook

Twitter