Sheekh Axmed Dhicisow oo ku geeriyooday Muqdisho

maalik_som September 8, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network) Alla ha Unaxariistee waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ku geeriyooday guddoomiyihii Majmaca Culumada Soomaaliyeed Sheekh Axmed Dhicisow. 

Sida ay Idaacadda Shabelle u xaqijiyeen qaar ka mid ah Ehellada Guddoomiyihii Majmaca Culumada Soomaaliyeed, waxaa geeriyooday Sheekh Axmed Dhicisow, waxaana Ehellada ay sheegeen in Marxuumka uu ku geeriyooday xanuun kusoo booday oo sahlay in uu geeriyoodo.

Qaar ka mid ah Culumada Soomaaliyeed ayaa sheegay inay tacsi u dirayaan dhamaan Qoyskii iyo Ehelladii uu ka geeriyooday Marxuumka, iyagoo sheegay in uu samir iyo iimaan Alle ka siiyo. 

Sheekh Axmed Dhicisow ayaa waxa uu ahaa Guddoomiyihii Majmaca Culumada Soomaaliyeed, iyadoo lagu xususto Sheekha in mar waliba uu Dowladda iyo shacabkaba uu ku boorin jiray in la helo dowlad caadil ah oo dhibaatada ka saarta dalka Soomaaliya.

Comments are closed.

Facebook

Twitter