Muqdisho: (Sh.M.Network)—Qaar ka mid dadkaani oo lasoo xiriiray Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay xilligaani ka cabanayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo xilliyada habeenkii ah dhac iyo boob ka gaysta gudaha Xaafadda Xamar-jadiid degmada Wardhiiglay ee gobolka Banaadir.
Mid ka mid ah dadkaani ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay dhibaato weyn ku qabaan islamarkaana ay dhac joogto ah ka sameeyaan gudaha Xaafaddaasi, iyagoo ugu baaqay Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Maamulka degmadaasi inay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi.
Cabashadaani ayaa imaanaysa xilli Saraakiisha Cidamada Dowladda ay ballan qaadeen inay wax ka qabanayaan dhibaatooyinkaasi, inkastoo illaa iyo iminka aan jirin cid wax ka qabatay.























Comments are closed.