Muqdisho: (Sh.M.Network) — Cabasho ballaaran ayaa kasoo yeeraysa qaar ka mid ah dadka ku nool gudaha degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.
Qaar ka mid ah Dadka ku sugan degmada Waaberi ee gobolka Banaadir oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in dhac baahsan xilligaani uu ka jiro gudaha degmadaasi, iyagoo sheegay inay gaystaan Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya kuwaasi oo xilliyada habeenkii ah shacabka ku nool halkaasi ka qaata Taleefonnada gacanta lagu qaato ee loo yaqaano Mobile-ka.
Dadkaani ayaa ka dalbaday Maamulka degmada Waaberi ee Dowladda Soomaaliya inay wax ka qabtaan dhaca ay xilligaani ku hayaan Askarta Maamulka degmada Waaberi ee Dowladda Soomaaliya.
Cabashadaani kasoo yeeraysa dadka ku nool gudaha degmada Waaberi ayaa waxa ay imaanaysaa xilli muddooyinkii dambe ay isasoo taraysay Cabashada kasoo yeeraysa shacabka ku nool gudaha degmadaasi oo qaati ka taagnaa Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda oo dhac joogto ah u gaysta.























Comments are closed.