Muqdisho: (Sh. M. Network) Shacabkaani oo ku dhaqan gobolka Banaadir oo ka kooban qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed oo si wayn ula socday Musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya iyo qudbooyinkii ay ka jeediyeen Xarunta golaha shacabka Soomaaliyeed oo ku aaddanaa barnaamijyadoodu siyaasadeed ayaa maanta waxa ay aragtiyo kala duwan ka kala dhiibteen arrimaha Doorashada Madaxtinimo ee dlaka Soomaaliya.
Shacabkaani ayaa waxa ay tilmaameen in si wanaagsan oo habsami leh ay usocoto qaabka qaban qaabada Doorashada Madaxtinimo, iyagoo rajeeyay in Mas’uul wanaagsan uu qabto xilkaasi si Umadda Soomaaliyeed uu uga samata bixiyo xaaladaha ay iminka ku jiraan.
Sidoo kale Shacabka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Xildhibaanada cusub ee barlamanka inay ka fiirsadaan Musharaxa ay u codeynayaan, maadaama ay tibaaxeen inay muhiim tahay inay eegaan wax waliba oo raali ka noqon karaan shacabka Soomaaliyeed.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliyaa ayaa waxaa laga dareemaya olalaha Doorashada Madaxtinimo, iyadoo hadal heynta ugu weyn ee hareesay Magaalada ay tahay maalinta biri ah oo la qaban doono Doorashada Madaxtinimo dalka iyo Mas’uulka kusoo bixi doona.























Comments are closed.