Shacabka oo siyaabo kala duwan uga hadlay Musharixiinta Somaliya

maalik_som August 16, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)   Qaar ka mid ah dadka ku nool Magaalada Muqdiso ayaa siyaabo kala duwan ugu hadlay Musharixiinta isa soo taraysa ee isu soo taagaya qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya.

Dadkaaani oo isugu jira dhalinyaro, Haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa siyaabo kala duwan waxa ay ugu hadleen musharaxiinta isa soo taraya ee xilalka isu soo taagaya Xilka Madaxtinimo ee Somaaliya.

Qaar ka mid ah dadkaani oo maanta la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay qaarkood ay sheegeen in horumar la taaban karo ay tahay musharaxiinta isu soo taagay qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya, halka kuwa kalena ay qabaan fakarka ah in mid aan waxba soo kordhineyn, micnona u yeelayn isu soo sharaxiddooda sida ay hadalka u dhigeen.

Dadkaani ayaa waxa ay ugu baaqeen Musharax kasta oo u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya in haddii uu ku guuleysto qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya uu si cadaalad ah u maareeyo howsha dalka islamarkaana uu wax u qabto shacabka Soomaaliyeed oo muddo ka badan 20-sano ku jiray dhibaatooyin iyo dagaalo sokeeye.

Maalmihii dambe ayaa Muqdisho waxa soo gaarayay Musharixin badan oo isu soo sharaxaya qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya, iyadoo aan la ogeyn sida ay doorashada u dhici doonto, maadaama ay foodda nagu soo hayso islamarkaana ay nooga harsan tahay oo kaliya maalmo kooban oo qura.

Comments are closed.

Facebook

Twitter