Muqdisho: (Sh. M. Network) Shacabkaani ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo isugu jira Siyaasiyiin, Waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxa ay ugu baaqeen Barlamanka cusub ee Soomaaliya in aysan dib u dhicin xilliga la qabanayo Doorashada Madaxtinimo ee Soomaaliya oo ku asteysan 10-ka bishan.
Sidoo kale qaar ka mid ah shacabkaani ayaa waxa ay tilmaameen inay isha ku hayaan Doorashada Madaxtinimo ee dalka iyo cidda ku guuleysan doonta, iyagoo shaaca ka qaaday inay ka dhur sugayaan in waqtigii loo iclaamiyay Doorashada ay ku dhacdo sida ay hadalka u dhigeen.
Shacabkaani ayaa waxa ay sheegeen inay kasoo daaleen dhibaatooyin farabadan oo uu soo maray dalka, islamarkaana xilligaani ay u baahan yihiin Dowlad caadil ah oo dalka iyo dadkaba ka samata bixin karta dhibaatooyinkii soo ragaaday muddo ka badan 20-ka sano.
10-ka bishan September ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorasho Madaxweynenimo ee Soomaaliya xilli guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxtinimo ee dalka ay sheegeen in maalinti birito ah ay ku egtahay qabashada Araajida Musharixiinta u taagan xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya























Comments are closed.