Shacabka Muqdisho oo Dalbadey in La Ansixiyo Xukuumada Cusub

maalik_som November 10, 2012 Comments Off

Muqdisho ( Sh.M..Network ) – Iyadoo Maanta Lagu Wado In Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya la horgeeyo Baarlamaanka Soomaaliya Si Loo Meel mariyo golahaasi Wasiirada ayaa Baaq arintaasi ku saabsan Waxaa Xildhibaanada u Jeediyey Qaar ka mid ah Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho .

Qaar ka mid ah Dadkaasi oo la Hadley Idaacada Shabelle waxay xildhibaanada ugu baaqeen in si deg deg ah ku ansixiyaan Golaha wasiirada ee Maanta La horkeenayo Iyagoona sheegey in Xildhibaanada Caqabad Ku noqon Golaha Wasiirada Cusub si ay waajibaadka loo soo xilsaarey u gutaan ayagoona tilmaamey in Golahani Cusub ay wax badan ku duwan yihiin Kuwii Hore Marka Loo eego Sida ay u kooban yihiin iyo wax tarka iyo firfircoonida Wajiyadooda ka muuqda .

Hadalkani ka soo baxay bulshada ku dhaqan magaalada muqdisho ayaa waxa uu ku soo aadayaa iyadoo maanta lagu wado in golaha wasiirada cusub la horgeenayo Xildhibaanada Soomaaliyeed lamana oga natiijada dhabta ah ee ka soo bixi doonto .

 

Comments are closed.

Facebook

Twitter