Shacabka Marka oo qaata ka taagan Askarta dowladda

maalik_som October 25, 2012 Comments Off

Marka-(Sh.M.Network)—Shacabka ku dhaqan Magaalada Marka ee Gobolka Sh/hoose oo qaarkood la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in dhibaatooyin dhac ah ay kala kulmaan rag kulabisan dareeska Ciidanka dowladda kuwaasi oo ay shegeen in ay ku hayaan falal isugu jira dhac ,boob  iyo handadaad .

Goob Joogayaal ku sugan degmada Marka ee Gobolka Sh/hoose ayaa ushegay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho in arintaan ay dhowr jeer oo hore ugudbiyeen Maamulka Gobolkaasi Sh/hoose gaar ahaan kan Marka hase ahaatee aan illaa hadda wax laga qaban.

Dadka ku dhaqan Magaalada Marka ayaa waxa ay sheegeen in arintani ay tahay mid ku soo noq noqotay Magaaladaasi islamarkaana loo baahanyahay in hey’adaha dowladda ee wax ka qaban kara dhibaatooyinkaasi ay wax ka qabtaan iyagoo tilmaamay in shacabka ay quus ka joogaan Ciidamada xiran dareeska Ciidanka dowladda.

Ugu damabeyn ayaa waxaa shacabka ku dhaqan Magaladaasi Marka ay ugu baaqen Saraakiisha Ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya in ay arintani soo fara galiyaan oo ay wax ka qabtaan si loo helo jawi degan oo shacabka iyo ciidamada dowlada kuwada shaqeeyaan iyagoo dhanka kalana xusay in weli Magaaladaasi Marka ay falal dhibaata ah ka geysanayaan kooxo ka tisan Ururka Al Shabaab.

Comments are closed.

Facebook

Twitter