Shacabka ku nool Nambarkonton oo kacabanaya Ciidanka dowladda

maalik_som October 21, 2012 Comments Off

Nabarkonton (Sh.M.Network)—Shacabka ku nool deegaanka Nabarkonton ee gobolka Sh/hoose ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ay sheegeen in ay ku hayaan Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya. 

Qaar ka mid ah Shacabka ku nool deegaanka Nabarkonton oo la soo xiriiray Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay walaac iyo walbahaar ka muujiyeen dhibaatooyin ay sheegeen in ay ku hayaan Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo halkaasi ku sugan. 

Dadka ayaa sheegaya in wadooyin qaar ee deegaankaasi anan la mari karin madaama ay ka baqdin qabaan in dhac loogu geyto wadooyinkaasi. 

Midka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Shebelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in  sidoo kale dhac iyo baaritaano xoogan loogeysto dadka saaran gawaarida ka shaqeeya deegaankaasi, isagoo tilamaamay in dadkaasi laga qaato lacago isugu jiro doolar, shilin Soomaali iyo waliba Mobilada ay wataan. 

Mudooyinkii danbe ayaa waxaa ka soo yeerayay dadka ku dhaqan deegaanada hoostaga gobolka Sh/hoose ee ay dowladda gacanta ku heyso cabasho balaaran oo ku aadan dhibaatooyin ay ku hayaan Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan deegaanadaasi. 

Comments are closed.

Facebook

Twitter