Muqdisho: (Sh. M. Network) Kaddib markii xalay lagu dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuiyadda Federalka Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Max’ud in uu ku guuleystay Jagada Madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka dibaddiisa waxa ay soo dhaweeyeen Doorashadaasi.
Magaalada Muqdisho oo ay xalay Doorasho ka dhacday ayaa waxaa laga dareemayay Fantasiyo iyo dabaal dagyo ka dhacay qaar ka mid ah degmooyinka Magaalada Muqdishso oo xalay laga maqlayay dhawaqa rasaasta iyo sawaxan dadka oo taageero u muujinayay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
Sidoo kale Shacabka ku dhaqan Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa si weyn usoo dhaweeyay Doorashada Madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya in uu ka shaqeeyo sidii Jaamacado uu dalka ugu furi lahaa islamarkaana uu dib ugu soo celin lahaa Ardayda dalka dibaddiisa wax ka barata.
Waddanka Koofur Afrika oo ka mid ah Wadadamada lagu dhibaateeyo Soomaalida ku nool halkaasi ayaa waxa ay dhankooda sheegeen in loo baahan yahay in Madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud uu ka shaqeeyo wax ka qabashada kaabayaasha dhaqaalaha iyo in uu ka shaqeeyo sidii Soomaalida ku dhaqan dalkaasi ay dib ugu soo laaban lahaayeen dalkooada.
Ugu dambeyn Magaalada Roma ee Caasimadda dalka Talyaaniga ayaa shacabka ku nool halkaasi waxa ay tageero u muujiyeen Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud, waxaana ay ka codsadeen in shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka iyo dibaddiisuba uu wax u qabto.























Comments are closed.