Shacab ka cabanaya kooxo wata dharka Dowladda, Muqdisho

maalik_som September 5, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)  Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan degmooyinka Wardhiiglay iyo Hodan ayaa waxa ay ka cabanayaan Kooxaha ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Sida Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka, Kooxo ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda ayaa habeenkii xilliyada qaar waxa ay dhac iyo boob baahsan u gaystaan dadka shacabka ah ee ku nool Xaafadaha degmada Wardhiiglay ee gobolka Banaadir.

Dadkaani oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in habeenadii ay dhac ka kulmaan Kooxahaasi oo ku labisan dharka dowladda, iyagoo u dhaca Dukaamada iyo guryaha ku yaalla Xaafadaha degmadaasi sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale cabasho taasi la mid ah ayaa waxa ay kasoo yeeraysaa dadka ku nool degmada Hodan ee goblka Banaadir kuwaasi oo sheegay inay qaati ka taagan yihiin Kooxo wata dharka dowladda, iyagoo sheegay in dhaca ugu baahsan uu ka jiro Xaafadaha K.P.P iyo fagaaraha Tarbuunka ee degmadaasi.

Hay’adaha ammaanka iyo Saraakiisha Ciidamada dowladda ayay ugu baaqeen in arrimahaani ay wax ka qabtaan,. Maadaama uu soo batay dhibaatooyinka ay kala kulmaan Kooxahaasi.

Cabashadaani ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ay ballan qaadeen inay wax ka qabanayaan kooxahaasi islamarkaana bilaabay howlgallo ay sheegeen in lagu xaqiijinayo ammaanka Magaalada Muqdisho.

Comments are closed.

Facebook

Twitter