Muqdisho: (Sh. M. Network) Maanta ayaa Mar kale Xarunta Shabakadda Waraabinta Shabelle waxaa lagu qabtay Siminaar sare loogu qaadayay Aqoonta Saxaafadda Soomaaliyeed ee ka howlgala Magaalada Muqdisho.
Siminaarkaani oo kor loogu qaadayay Aqoonta qaar ka mid ah Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxa uu mar kale dib kaga furmay Xarunta Shabakadda Warbaahinta Shabelle, iyadoo uu socon doono muddo seddex maalin ah kaasi oo ay iska kaashanayaan Hay’adda National Endowment For Democracy iyo Warbaahinta Shabelle.
C/fitaax Max’ud Siyaad Arizoona oo ka hadlay Siminaarka ayaa waxa uu sheegay in Siminaarkaani uu ahaa mid lagu kobcinayay Aqoonta Saxaafadda Soomaaliyeed islamarkaana maanta si gaar ah loogu baranaayay dhisidda awoodda uu leeyaha Saxafiga.
Ugu dambeyn Siminaarka ayaa intii maanta uu soconayay waxa durba Saxafiyiinta kasoo qeyb gashay ay wax weyn ka korarsadeen, waxaana ay ugu mahaceliyeen Shabakadda Warbaahinta Shabelle uu suuro galisay in Siminaarkaani ay kaga faa ideyso Saxaafadda Soomaaliyeed.
Halkan Ka Daawo Sawirrada























Comments are closed.