Muqdisho(Sh.M.Network)—Muddo Seddex sano kadib markii ugu horeysay ayaa Diyaar Rakaaba waxa ay Caga dhigatay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan
Guddoomiye Kuxigeen Maamulka dowladda Soomaaliya ee Gobolkaasi Cadaawe Cilmi Nuur oo lahadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay indiyaaradaasi Rakaabka ah maanta ay ka degtay Garoonka Magaalada Baladweyne islamarkaana ay lasocdeen Dad isugu jira xildhibaano iyo Shacab
Gudoomiye Ku xigeenka ayaa dhinaca kale ka hadlay in dib udayac tirka Garoonka diyaaradaha Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ay gacan ku siiyeen Ciidamada AMISOM ee kusugan Magaaladaasi Baladweyne
























Comments are closed.