Sarkaal Nabad Sugida Katirsanaa oo lagu dilay Deg:Deyniile

maalik_som October 28, 2012 Comments Off

Muqdisho-(Sh.M.Network)—Sarkaalkani oo Magaciisa lagu soo gaabiyay garboojo ayaa Ciidamo kulabisan Dareeska Ciidamada dowladda Soomaaliya waxa ay ku toogteen degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir iyadoo lasheegay in markii hore uu dhaawac ka soo gaaray rasaastaasi lagu furay Sarkaalka.

Sarkaalka ayaa latilmaamay in loola soo Cararay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho iyadoo markii dambe nafsadda ay kudeysay gudaha Isbitaalka mana jirto wax faah faahin sababaha dilkiisa ah oo ka soo baxay Saraakiisha dowladda.

Dhinaca kale Sarkaalkaan oo ka tirsanaa Hey’adda Nabad Sugida dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in uu horay u’ahaa Taliyihii deegaanka Ceelasha biyaha ee Xarakada Al Shabaab kaasi oo ka mid ahaa dagaalyahano iyo Saraakiil ka tirsanaa Al Shabaab oo usoo goostay dowladda Soomaaliya.

Inkastoo aanu jirin Cid loo soo qabtay dilka Sarkaalkaan ayaa hadana waxaa xusid Mudan in goobta lagu dhaawacay ay ka soo qaadeen Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyadoo gaabtana ay gaareen Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir oo  uu ka midyahay Guddoomiyaha Degmadaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter