Sarkaal ka tirsanaa Nabada Sugidda oo la sheegay in lagu dilay Baydhabo

maalik_som October 8, 2012 Comments Off

Baydhabo: (Sh.M.Network) — Kooxo hubaysan ayaa Magaalada Baydhabo ku dilay Sarkaal la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada Nabad Sugidda ee Dowladda Soomaaliya. 

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in Kooxo ku hubaysan Bastoollado ay Ninkaasi ku toogteen Xaafadda Bardaale ee Magaalada Baydhabo, iyadoo dilka kaddib Kooxahaasi ay isaga baxsadeen goobta lagu dilay.

Guddoomiyaha gobolka Bay ee Dowladda Soomaaliya C/fitaax Ibraahim Geeseey oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Kooxo damiir laawayaal ay gudaha Magaalada ku dileen qof rayid ah sida uu hadalka u dhigay. 

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada ay gacanta kusoo dhigeen illaa 5-ruux oo la sheegay in lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dilkaasi, iyadoo iminka ay ku socdaan baaritaanno. 

Baydhabo waxa muddooyinkii dambe hareeyay dilka dadka rayidka ah iyo kuwa kale ee loo geysto Saraakiisha Ciidamada Dowladda, waxaana la ogeyn waxa Saraakiisha Ciidamada Dowladda ay ka qaban karaan arrimahaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter