Sarkaal ka tirsanaa Nabad Sugidda oo la dilay iyo howlgallo socda

maalik_som October 11, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network)— Kooxo ku hubaysnaa ayaa xalay degmada Wardhiiglay ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen Sarkaal la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya. 

Kooxaha oo ay u duubnaayeen wajiyada ayaa la sheegay in Sarkaalka ay ku toogteen Xaafadda Xamar-jadiid degmada Wardhiiglay, iyagoo dhowr Xabadood la dhacay Sarkaalka islamarkaana meesha isaga baxsaday sida ay Idaacadda Shabelle u sheegeen dad deegaanka ah. 

Dilka kaddib ayaa goobta waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo halkaasi ka sameeyay baaritaanno, waxaana la sheegay inay soo qab qabteen dhalinyaro badan oo ku sugnaa gudaha Xaafaddaasi. 

Ciidamada Dowladda ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen dad badan oo lala xiriirinayo inay ka dambeeyaan dilka loogeystay Sarkaalkaasi, sida Idaacadda Shabelle ay u sheegeen dadka deegaanka ah.

” Howlgallada wali way socdaan, xalay oo dhan ilaa saakay dhaq dhaqaaq majiro, dadkii la qab qabtay waxaa la geeyay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, marka xaaladda ayaaba sidani ah, markii dad la dilo Ciidamada dad badan ayay iska qabtaan” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ah.

Macadda cidda ka dambeysa dilka iyo sababta loo dilay Sarkaalkaasi, wallow dilkaani uu qeyb ka yahay kuwa Saraakiisha Ciidamada Dowladda lagula eegto Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Comments are closed.

Facebook

Twitter