Sarkaal ka tirsan Dowladda Turkiga oo lagu dhaawacay Gaalkacyo

maalik_som October 2, 2012 Comments Off

Gaalkacyo: (Sh.M.Network) Sarkaal sare oo ka tirsanaa Dowladda Turkiga ayaa ku dhaawacmay Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. 

Kaddib iska horimaad kooban oo u dhaxeeyay Ciidamo kawada tirsan Maamulka Puntland uu ku dhexmaray Bar-kontorol oo ku taalla Deegaan lagu magacaabo Bacad-weyn oo duleedka Woqooyi kaga beegan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ku dhaawacmay Sarkaal sare oo ka tirsan Dowladda Turkiga kaasi oo maalmo ka hor gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal. 

Iska horimaadka ayaa bilowday kaddib markii Ciidamo la sheegay inay ilaalo u ahaayeen Wafdiga Turkiga, kana tirsan Puntland iyo Ciidamo kale oo iyana ka mid ah Puntland oo ku suganaa Bar-kontorol uu muran soo kala dhex galay, taasina ay sababtay in rasaas ay furaan Ciidamada ku sugnaa Jagpontiga.

Dhaawaca Sarkaalka ayaa loola soo cararay Isbitaal ku yaalla Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug halkaasi oo iminka lagu dabiibayo Xaaladdiisa Caafimaad. 

Xiriiro aanu la sameynay Saraakiisha Ciidamada Maamulka Puntland ayaa inoo suuro gallin inaan qadka Taleefonka ku haleelno, hase ahaatee Xaaladda goobtii ay ku dagaalameen Ciidamada ayaa iminka degan. 

Horey ayaa Samafalayaal ka tirsan Turkiga oo ku suganaa Magaalada Muqdisho dhaawac ay u gaysteen Kooxo hubaysan, waxaana la ogeyn sida waxa looga qaban karo dhibaatooyinka soo kordhay. 

Wixi kusoo kordhaa Warkaani kala soco Shabelle.net hadii Alle Idmo.

Comments are closed.

Facebook

Twitter