Sarkaal ka tirsanaa Nabad Sugidda oo lagu dilay Muqdisho

maalik_som September 17, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network) Barqonimadii maanta ayaa Kooxo hubaysan Bastoollado waxa ay Xaafadda Buul-Xubey gaar ahaan Tii-tiinlay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ay ku toogteen Sarkaal sare oo la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada Nabad sugidda ee dowladda Soomaaliya. 

Sarkaalka ayaa magaciisa lagu sheegay Max’ed Sheekh Nuur Baaruud (Gurxan), waxaana markii ay dileen Kooxaha Sarkaalkaasi sidoo kale ay dhaawaceen qof rayid ah oo ka  agdhawaa halka lagu toogtay sida Idaacadda Shabelle ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka ah.

Kooxihii dilka gaystay ayaa isaga baxsaday goobtii uu dilka ka dhacay, hase ahaatee Ciidamada Dowladda oo halkaasi gaaray ayaa waxa ay sameeyeen baaritaanno aan la ogeyn cidda lagu soo qab qabtay. 

Sarkaalkaani la dilay ayaa waxa dhalay Wadaadka caanka ah ee Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, hase ahaatee Xalay ayay aheyd markii Kooxo ku hubaysan Bastoolado ay wiil dhalinyaro ah ku toogteen degmada Shibis ee gobolka Banaadir kaasi oo ku casheynayay Maqaaxi, inkastoo dilalka qorsheysan ee ka dhaca Muqdisho intooda badan ay ka geystaan Kooxa wata Bastoollado.

Comments are closed.

Facebook

Twitter