Sarkaal dowladda Ka tirsan oo lagu dilay weerar Gaadmo ah

maalik_som October 28, 2012 Comments Off

Muqdisho-(Sh.M.Network)—Weerar uu ku geeriyooday Sarkaal Sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Ceel wareegow ee Gobolka Sh/hoose.

Kadib weerar Gaadmo ah oo ciidamo ka tirsan Ururka Al shabaab ay wadada ugu galeen kolonyo gawaari ah oo ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa lagu soo waramayaa in uu ku dhintay Sarkaal Sare oo ka tirsanaa Ciidamada dowladda.

Sarkaalkani oo lagu Magacaabo Goordan ayaa ahaa Taliyaha Guutada 5aad ee Ciidamada dowladda iyadoo weerarka uu ku dhintayna lagula qaaday deegaanka Ceel wareegow ee duleedka ka xiga Magaalada Marka ee Gobolka Sh/hoose.

Sidoo kale Gawaaridii ay saaraayeen Ciidamada dowladda ee lagu qaaday weerarkaasi gaadmada ah ayaa lasoo sheegayaa in ay waxyeelo soo gaareen oo iyadoo ay ka muuqdaan sumadaha Rasaasta halkaasi laga ka xeeyay

Goobta weerarka uu ka dhacay ayaa waxaa la tilmaamayaa in ay gaareen ciidamo farabadan oo isugu jira kuwa AMISOM iyo kuwa dowladda kuwaasi oo howlgallo halkaasi kawada walow aan lashaacin dad ay kusoo qabqabteen howlgalkaasi.

Weerarka ayaa yimid wax yar kadib weerar nuucaasi ah oo isna ka dhacay deegaanka Buufow ee Gobolka Sh/hoose kaasi oo isna lagu qaaday illaa labo gaari oo nuuca dagaalka ah ah oo ay wateen Ciidamada Nabad sugida dowladda Soomaaliya

Tan iyo la wareegeegitaankii Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM Gobolka Sh/hose ayaa deegaanada kala duwan ee Gobolkaasi waxaa ka dhacayay weeraro kala duwan iyo iska hor’imaadyo toos ah  oo ay soo qaadayeen Ururka Al Shabaab ee horay halkaasi looga qabsaday.

Comments are closed.

Facebook

Twitter