Chirchir: Waa la helay Ciidamadii la la’aa

maalik_som September 2, 2012 Comments Off

Miido: (Sh. M. Network)  Saraakiisha Ciidamada Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in la helay Ciidamo ka tirsan Kenya oo lagu la’aa gobolka Jubbada hoose.

Afhayeenka Ciidamada difaaca dalka Kenya Major Emmanuel Chirchir ayaa ku sheegay bogga uu ku leeyahay Twitter-ka in 3-ka mid ah shan askari oo lagu waayay dagaal ka dhacay Jimcihii degaan lagu magacaabo Miido oo ku yaalla gobolka Jubbada hoose ee Koofurta Soomaaliya maanta la soo badabaadiyay.

Emmanuel Chirchir Afhayeenka Ciidamada Difaaca dalka Kenya mas uusan bixin macluumaad ku aaddan sida ay xaaladoodu tahay iyo halka dadkan laga soo badbaadiyay.

“Saddax ka mid ah ciidamada difaaca Kenya oo lala’aa waaa la soo badabaadiyay” sidaasi waxa uu Emmanuel Chirchir ku sheegay bogga uu Twitter-ka ku leeyahay.

Sabtidii shalay ayuu sheegay Emmanuel Chirchir in 5-ka mid ah Ciidamada Kenya ee Soomaaliya ku sugan la waayay, kuwaasi oo ka qeyb qaadanayay dagaalo ka dhacay gobolka Jubbada hoose.

Comments are closed.

Facebook

Twitter